
Guide to Parental Participation and Student Recognition in Education Programs
"Learn about the importance of parental involvement, student recognition, and educational support programs like TAG. Discover ways to improve student outcomes through effective communication and collaboration between parents, teachers, and students."
Download Presentation

Please find below an Image/Link to download the presentation.
The content on the website is provided AS IS for your information and personal use only. It may not be sold, licensed, or shared on other websites without obtaining consent from the author. If you encounter any issues during the download, it is possible that the publisher has removed the file from their server.
You are allowed to download the files provided on this website for personal or commercial use, subject to the condition that they are used lawfully. All files are the property of their respective owners.
The content on the website is provided AS IS for your information and personal use only. It may not be sold, licensed, or shared on other websites without obtaining consent from the author.
E N D
Presentation Transcript
Macluumaadk a Waalidka ee PPS TAG Deyrta 2020
Mawduucyada Waqtiga aan Wada Joogno *Hanaanka magacaabista iyo aqoonsiga *Sharciga TAG *Qeexitaanka TAG * Qaabdhismeedka Degmooyinka ee Adeegyada * Isku-Xirka Waalidka-Macalinka *Xeeladdaha Waxbaridda ee dhammaan ardayda *Qorshayaasha Dhismaha *Codsiyada qorshaha shakhsiyeed ee TAG
Meelaha Magacaabista iyo Aqoonsiga Ilmahaagu waxa loo aqoonsan karaa inuu 3 meelood TAG u leeyahay Kartida Garaadka Xisaabta Akhriska Haddii ilmahaaga aan hadda lagu aqoonsan mid kamid ah meelaha oo aad dareensan tahay inay u baahan yihiin in la qiimeeyo si loo go'aamiyo u-qalmitaanka, waxaad u magacaabi kartaa ilmahaaga qiimeyn.
Hanaanka Aqoonsiga TAG 1. Waalidka iyo macalinka ayaa buuxin doona foomka magacaabista. Fududeeyaha TAG ayaa buuxin doona macluumaadka kale ee loo baahan yahay. 2. Waalidiintu waxay u gudbin doonaan foomkan Fududeeyaha TAG ee goobta ugu dambeyn Nofeembar 20, 2020. 3. Qiimeynta waxa loo qorsheyn doonaa haddii loo baahdo. Markay habboon tahay, xogta horey u jirtay waxa loo isticmaali doonaa aqoonsiga xisaabta iyo akhriska. 4. Kooxda TAG ee Dugsiga waxay qaadataa go'aamada kama dambeysta ah ee aqoonsiga kadib marka ay tixgeliyaan dhammaan macluumaadka ku yaal arjiga. 5. Waraaqo ayaa loo dirayaa si qoysaska u qalmida loogu wargeliyo.
Sharciga TAG: Waa maxay Amarka TAG? Amarka: Sharciga Oregon ee Dib loo eegay ee Waxbarashada Kuwa Kartida iyo Hibada Leh: 343.407, 409: Aqoonsiga ardayda kartida iyo hibada leh. "Dugsiyada degmadu waa inay aqoonsadaan ardayda kartida iyo hibada leh ee ka diiwaangashan dugsiyada dadweynaha iyada oo la raacayo sharciyada ay ansaxiyeen Guddiga Waxbarashada Gobolku." Degmo dugsiyeedyadu waa inay siiyaan barnaamijyo waxbarasho ama adeegyo ardayda kartida iyo hibada leh ee ka diiwaangashan dugsiyada dadweynaha iyadoo la raacayo sharciyada ay ansixiyeen Guddiga Waxbarashada Gobolku."
Adeegyada TAG waaa bixiya Macallinka Fasalka ee PPS Laga soo bilaabo Deyrta 2020, PPS waxay leedahay 7,840 arday oo TAG loo aqoonsaday
Macallimiinta waxa looga baahan yahay inay buuxiyaan Xawaaraha & Heerka Tacliinta ardayda TAG: Xawaaraha waxbarashadu waa cabbiraadda socodka uu ardaygu si guul leh ugu gudbo manhajkiisa kadib marka lagu meeleeyo heerka ku habboon Heerka waxbarashadu waa heerka waxbarasho ee ardayga ee manhajka: goobta uu ardaygu ku guuleysan doono laakiin uu kala kulmi doono aqoon iyo xirfado uusan weli baran ama uusan helin.
Kulanka Waalidka/Macallinka Qoysaska waxa lagu dhiirigelinayaa inay qorsheeyaan kulan ay la yeeshaan macalinka ilmahooda si ay ugala hadlaan: Yuu ilmuhu yahay arday ahaan? Maxay xiiseeyaan? Iyo, sidee bay sida ugu waxtarka badan wax ugu bartaan? Qoysaska ayaa ugu aqoon roon ilmahooda! La wadaag macallinka hadda wixii hore waxtar u lahaa iyo wixii carqalado ah ee uu hore u soo maray ardaygu. Weydii sida qoysasku uga taageeri karaan ardayga waxbarashadiisa guriga.
Ha sugin illaa Kulamada Waalidka- Macallinka ee Noofembar!
Xeeladaha Wax Looga Qabanayo Xawaaraha Ardayga iyo Heerka Waxbarashadiisa Waxa Kamid Noqon Kara: 1. Kooxeynta Dabacsan 2. Casharro Isxiga 3. Dardargelinta Manhajka 4. Isku-rarid 5. Daraasad/Mashruuc Madaxbanaan 6. Weydiin Heer Sare ah
Dedejintu maaha xalka Hoos u dhaadhicid, falanqayn dheeri ah, sharaxidda sababta ama sida, difaacidda sababeynta iyo gunaanadka, Ku dabaqidda dhabta ah ee dunida ee xaaladaha cusub.
Ardayda TAG waa inay waqti fiican ku qaataan qoto-dheerida Aqoonta (DOK) Heerarka 3 iyo 4. DOK Heerka 3 layliyada/weydiinta waxay uga baahan tahay ardayda inay: Adeegsadaan feker xeeladaysan -baadhaan, soo gunaanadaan, mala- awaalaan, dib-u-eegaan oo dhaliilaan (tusaalooyinka qaarkood uun) DOK Heerka 4 layliyada/weydiintu waxay uga baahan tahay ardayda inay: Isticmaalaan fikir balaadhan-naqshadeyaan, caddeeyaan, soo saaraan, isku xiraan oo ku dabaqaan fikradaha (tusaalooyinka qaarkood uun) *Robertkaplinsky.com
Cusbooneysiinta Dardargelinta Maado Keliya ee uu dhaliyay COVID-19 Codsiyada SSA waxaa la heli doonaa Oktoobar 1 Ardayda dhigata fasalada 2aad-5aad iyo 7aad ee aasaaska guud way u qalmaan Go'aannada meelaynta ayaa la dhammaystiri doonaa dhammaadka Rubuca 1 ama kahor Ardayda u qalma ayaa lagu meeleyn doonaa koorsada xisaabta ee xigta ee tubta xisaabta (tusaale. 2aad ilaa 3aad, 6aad ilaa 7aad aasaaska guud) Dugsiyadu waxay isticmaali doonaan xogta laga bilaabo 2019-2020 ilaa Deyrta 2020, bislaanshaha ardayga, rabitaanka shaqada koorsada la dardargaliyay, taageerada qoyska iyo tallooyinka macallinka.
Tusaalooyinka Xeeladaha Inta Lagu Jiro Barashada Fog Hawlaha kooxeynta dabacsan ee xilliga baridda kooxda yar (SGI) Hawlaha/mashruucyada kooxeed/shaqsiyadeed ee xilliga barashada aan isku marka ahayn Shaqooyinka kala duwan ee ku saleysan qiimeynta rasmiga ah, qoraalada aan rasmiga ahayn, heerka iyo xawaaraha la qiimeeyay Saacadaha Shaqada Barashada Ku Salaysan Mashruuca Kulanada barashada ee lala leeyahay macallimiinta inta lagu jiro saacadaha shaqada Dargdargeliyaha Xisaabta NWEA MAP ee ardayda TAG Dreambox Kooxaha akhriska la simay ee xilliga barista kooxda yar (SGI)
Dhisida Qorshayaasha TAG Dugsiga kastaa wuxuu leeyahay qorshaha TAG ee goobta. Waxay ku yaali doonaan bogga internetka ee dugsiga waxaana lagu shubi doonaa bogga internetka ee TAG ee degmada kahor dhammaadka Oktoobar.
Goorma Ayaan Dalban Karaa Qorshe Shakhsiyeedka TAG? Haddii .kadib kulanka waalidka/macallinka, aad qabto su'aalo ku saabsan xawaaraha iyo/ama heerka baridda/meelaynta. Haddii....aad u baahan tahay in si ballaaran laguugu cadeeyo adeegyada TAG ee lagu bixiyo dugsiga ama uu bixiyo macallin gaar ah.
Isgaarsiinta 1. Wada-hadal joogto h oo lala yeesho macalimiinta, Fududeeyeyaasha TAG ee goobta, iyo Maamulaha 2. Bayaanka Guddiga TAG ee dugsi kasta (marka aan ku laabano dugsiga) 3. Wargeysyada/Boggaga internetka ee macalimiinta fasalka iyo dugsiga 4. Qeybinta liisaska iimeylka ee Qoyska TAG 5. PPS.NET/TAG
Yaan La Xiriirayaa Haddii Aan Ka Walwalsanahay Baahiyaha Ilmahayga? 1. La tasho macalinka ilmahaaga. 2. La tasho Fududeeyaha TAG ee dugsigaaga haddii aad dareento in su'aalahaagu uusan ka jawaabin macalinku. 3. Qorshee kulan aad la yeelato maamulaha dugsiga. 4. Kala tasho xafiiska TAG wixii taageero dheeraad ah - iimeyl ugu dir pps.net/tag 5. Eeg bogga waaxda TAG www.pps.net/tag si aad u hesho ilo.
Illaha Kuwa Kartida iyo Hibada Leh Ururka Qaranka ee Carruurta Hibada Leh - Taageerida ardayda TAG inta lagu jiro COVID-19 nagc.org Bogga Waxbarashada Hibalayaasha ee Hoagies, bogga "All Things Gifted Davidson Institute - Urur qaran oo aan macaash doon ahayn oo u heellan taageerida ardayda hibada aad u leh ee da'doodu tahay 18 iyo ka yar tahay. John Hopkins: Xarunta Dhalinyarada Kartida leh Xarunta Dhalinyarada Kartida leh
Taageerada TAG ee Degmada Linda Smith, Agaasimaha Waxbarshada K-12 ee Kartiileyaasha iyo Hibolayaasha TAG TOSAs Chris Smith- Grant and Jefferson clusters, Lincoln HS, Cleveland HS Palmyra McLellarn Benson HS, Franklin, Madison, iyo Wilson clusters, Alliance Kim Bertelsen Cleveland, Lincoln, iyo Roosevelt clusters, Pioneer Programs Karraaniga Xogta TAG Lisa Draper